Kulmiye Iyo Waddani Oo Ku Loolamaya Baayacaada Ururaddii Hadhay, UCID Oo Aan Ka Muuqan Kulanada Gacmaha La Isku Dhiibayo Iyo Xaqsoor Oo Wali Ku Adag Mawqifkoodii

tartanHergeisa(Lughaya.com)Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, ayaa la sheegay in ay loolan adag ugu jiraan sidii ay u kasbadan lahaayeen qaar ka mid ah Ururradii Siyaasadda ee ku hadhay tartankii Doorashada Goleyaasha Deegaanka, kuwaas oo aan weli ku biirin sadexda Xisbi Qaran ee soo baxay.

Masuuliyiinta Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa sheegay in ay wada hadlo la xidhiidha sidii ay ugu soo biiri lahaayeen Ururradii hadhay ay kula jiraa Masuuliyiinta Ururradaasi.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo salaasaddii toddobaadkii hore ka hadlayey Xaflada soo dhaweyn ah oo Xisbiga Waddani u sameeyey Ururkii Ummada, ayaa sheegay in ay wada hadalo u socdaan Masuuliyiinta Ururaddii kale eehadhay isaga oo rajo ka muujiyey in ay qaar badan ku soo biiri doonaan.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), ayaa isaguna sheegay in Xisbigoodu wada hadalo meel fiican u maraya ay u socdaan qaar ka mid ah Ururradii Siyaasadda ee hadhay, isaga oo xusay in ay rajo weyn ka qabaan in Ururaddii dhacay cududooda iyo taageerayaashooda ku soo biirin doonaan, marka wada hadaladu u dhamaadaan.

Ururrada Siyaasadda ee hadhay ee labadan Xisbi sida ay u kala jiidanayaan iyaga taageerayaashooda ayaa kala ah Urur-siyaasadeedka Rays iyo Dalsan oo iyaga aan weli go’aansan Xisbiga ay ku biiri lahaayeen, halka Ururkii Ummada uu dhawaan ku biiray Waddani.

Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo ka mid ahaa todobadiii Urur-siyaasadeed ee  ku loolamayay tartanka , isla markaana Doorashadii Deegaanka ku tilmaamay mid lagaga shubay, ayaa waxa ay weli ku adkaysanayaan in aanay ku biiri doonin sadexda xisbi ee dalka, hase yeeshee uu Ururkoodu sii jiri doono siina shaqayn doono, sida uu dhawaan ku dooday Guddoomiye kuxigeenka Ururka Xaqsoor Cali sandulle.

Si kastaba ha ahaatee, loolankan xoogan ee loogu jiro kala jiidashada Ururradii hadhay ayaa waxa ka maqan Xisbiga UCID oo isaga Masuuliyiintiisa u sareysaa ay safari ugu maqan Dalka Dibediisa, kuwaas oo iyaga fursad u helin in ay ka qaybgalaan loolanka Ururada hadhay iyo Taageerayaashooda.

 

Xigasho: Somaliland Journal.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: