Habacsanaanta maamul ee xukuumada Somaliland iyo daaqad ka tuurida hanaankii dawladnimo iyo midkii dimuqraadiyadeed ee somaliland.(Diirada lughaya)

SHAHIIDKII-SAYLACWararka ka imanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in ay kulan jilbaha isku dhigeen waftigii somaliland ka socoday iyo golaha dhaqanka ee beesha Ciise isla markaasina ay isku afgaran waayeen xaal ka gaadhida qadiyada Saylac taasi oo ay beelaha ciise aad uga biyo diidsan yihiin in beelaha aqlabiyada leh xukumaan degmadaasi .

wararku waxay intaasi ku darayaan in aan wasiirada xukuumada somaliland haba yaraateen aan la siin wax maamuus sharafeeda oo lagu qadariyo isla markaasina aanay la kulmin masuuliyiinta xukuumada jabuuti oo aad iskaga fogaynayey in ay dhex galaan arimaha ay isku khilaafsan yihiin beelaha ciise ee jabuuti dega iyo waftiga xukuumada siilaanyo.
ilaa imika ma jiraan wax xal ah oo ay waftigii somaliland ka gaadheen arinta saylac waxaanay wararku sheegayaan in ay imika ku sugan yihiin meelo ka mid ah meelaha lagu nasto ee ku yaala gudaha magaalada jabuuti iyaga oo bulshada sugaysa ee dhinaca somaliland iskaga dhigaya shakhsiyaad xal u helida arinta saylac ku maqan .
arimahani oo dhami waxay dhabar jab ku yihiin maamulka cusub ee degmada Saylac loo doortay oo ilaa hada aan u shaqo tagin xafiisyadooda isla markaasina xukuumada somaliland ku amartay in aan la furin xafiisyada dowlada ilaa xal laga gaadhayo arimahani oo ay beesha ciise ogolaanayo maamulka cusub ee degmadaasi .
sidoo kale tani waxay daaha ka rogaysaa habacsanaanta maamul ee Maamulka Somaliland iyo daaqad ka tuurida hanaankii maamul iyo midkii dimuqraadiyadeed ee somaliland ku soo caano baashay 21kii sano ee ay jirtay .
iskastaba ahaatee ,salaadiinta,siyaasiyiinta iyo hormuudka bulshada ay ka soo jeeda xildhibaanada aqlabiyada leh ayaa ilaa imika aan ka hadalin xalkani daba dheeraaday ee lagu wiiqayo maamulka cusub ee degmada Saylac,waxaanay u muuqdaan kuwa arinta gunteeda og iyo kuwa danahooda gaar ahaateed mashquulisay wallow ay jiraan siyaasiyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo u badan dhalinyaro oo aad indhaha ugu haya arinta saylac isla markaasina habeen iyo dharaarba ku gorfaynaya meela ay bulshadu iskugu timaado .
isku soo wada duuboo waxaa la dhur sugi doonaan halka ay caga dhigayo arinta saylac iyo fariinta ay waftiga wakhti lumiska ahi kala soo laabtaan dalka Jabuuti.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: