Marwadda Koowaad Oo Ka Qeyb gashay Munaasibad Haweenka Somaliland ku muunaynayeen mawliidkii Nabiga

Marwada-koowaadHargeysa (Lughaya)-Marwada kowaad Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina-weris Sh.Maxamed Jirde, ayaa maanta Haween weynaha Somaaliland kala qayb gashay Xaflad ay ku xusayeen munaasibadda dhalashada Nabigeenii suubanaa ee Muxamed ibnu C/laahi NNKH, taasi oo lagu qabtay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Marwada kowaad Marwo Aamina weris Sh.Maxamed Jirde oo xafladaa ka hadashay, ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay inay ka soo qayb gasho xafladan, oo ay ku tilmaamtay inaanay jirin xaflad ka khayr iyo sharaf badan oo laga qayb galaa. Waxaanay halkaasi mahad-naq iyo amaan uga soo jeedisay Haweenka Somaliland ee iska xil-saaray qabashada xaflad ay ku xusayaan nabigeenii suubanaa NNKH.
Marwo Aamina-weris waxa kale oo ay xustay in dadka ku kulma munaasibadan oo kale ay ducadoodu kacayso, sidaas darteedna loo ducayo dalkeena iyo dadkeena somaaliland.Waxa kale oo halkaasi haweenka xaflada ka soo qayb galay ay ka soo jeediyeen hadalo ku taxan siiradii Rasuulkeena suuban iyo Qasaa’id Nebi ammaan ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: