Shirka Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Adis iyo Ajendayaasha horyaala

is (1)Addis-ababa (lughayanews)- Shir-madaxeedka midowga Afrika oo maanta ka furmay magaaladda Addis-ababa caasimada dalka Itoobiya, ayaa qodobada ajandayaashiisa la filayaa inuu ugu weyn yahay ka hadal dhibaatada dagaal ee ka taagan dalka Maali.
Dalalka Afrika qaarkood ay iyagu horeba ugu yabooheen inay ciidamo u dirayaan ka qayb qaata dagaalka faransiisku hogaaminayo ee la doonayo in kooxaha falaagada ah lagaga xoreeyo woqooyiga dalkaasi ee ay haystaan.
Shir-madaxeedka afrika waxa la filayaa in lagu gorfeeyo kharashka ku baxaya ciidamada ka howl-gelaya dalka maali iyo sida kharashkooda loo qaysanayo,iyada oo ilaa hadda ay maali gaadheen ciidamo xadidani.
Warfidiyeenadu waxa ay sheegeen in shir-madaxeedka lagu eegi doono sidii mowqif midaysan looga qaadan lahaa xaaladda dalka maali,iyada oo lagu wado in laga hadlo oo kale arimaha labada soodaan iyo guud ahaan xaaladaha waqtigan ee Qaarada ka jira.
Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn ayaa manta loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika waxaana xilkaas manta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddoomiyihii hore Yayi Boni oo ah Madaxweynaha Dalka Biniin.
Kulanka uu kula wareegay Guddoomiyanimada Ururka Midawga Afrika Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya waxa ka hadlay Madaxweynaha Falastine Maxamud Cabaas, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimon, Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Midawga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma iyo madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Ghana.
Kulanka Madaxweynayaasha Afrika iyo Dublamaasiyiinta kala duwan ee Dalalka Afrika waxa si qoto dheer ay madaxdu ugu xustay waxqabadkii kontonkii sano ee uu Ururka Midawga Afrika OAU/AU jiray, iyagoo si qoto dheer uga waramay Dibu-dhacyada iyo Horumarka ay Qaaradu gaadhay gaar ahaana Dhinacyada Horumarka iyo Dagaaladda.
Masauuliyiinta heer caalamiya oo munaasibadaasi lagu dooranayay hogaanka Midowga Afrika, ayaa Madaxda Qaaradda ku dhiirigaliyay inay Afrika u horseedaan Maamul wanaagsan iyo inay la yimaadaan Qorshe cad oo ay mustaqbalka ku hogaamiyaan sidoo looga saaro dadyawga Qaarada dhibaatooyinka dibu dhacyada ku keenay ee ay ka mid yihiin Abaaraha iyo Dagaaladdu.
Waxay soo dhaweeyeen Afrika inay la bar bar taagan yihiin sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd isa lamarkaana ay u siin lahaayeen taageero dhinac kasta ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: