Wasiiradii somaliland ee Joogay Djabouti oo ku soo laabtay Saylac iyo mawqifka siyaasadeed ee ay Sidaan

images.jpg2Saylac-(lughaya)-Xaalka Saylac ayaa wali sidiisii ah, waxana ku soo laabtay Saylac wasiiradii reer Somaliland ee kooxaha rabshada wada ee u fakaday Djibouti dacwada ka geegay gudaha dalkaasi, wasiiradan ayaa la wadaa inay ilaa barito qabtaan shir jaraa’id oo ay ku shaabadaynayaan kooxada Cali Araye ee rabshad wadayaasha ah, amarna ku bixiyaan in dawlada hoose ee Saylac loo doortay ay shaqadeedii si caadi ah u wadato.
Waxa maalmahan dambe si wayn u soo shaacbaxay in mucaaridka sida xoogan uga soo horjeeda maamulka madaxwayne Geelaha reer Djibouti ay si wayn u buunbuuninayaan arinta Saylac iyga oo markaasi ka dhigaya mid ay kaga faa’iidaysanayaan doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka Djibouti.
Wararka arintan ku saabsan oo ka soo baxaya ilo xukuumada ka ag dhow ayaa waxa ay sheegayaan in uu mucaaridka Djibouti arinta sii murjinayo isaga oo markaasi beelo, iyo qabyaalad fog dhex dhigaya shacabka reer Djibouti beelaha ciise eek u nool Djiboutina dhagaha ugu ridayo in M/Geele iyo xukuumadiisu ay Saylac bixiyeen kana codsanayaan dadka in ay u codeeyaan mucaaridka.
Arinta noocan ah ayaa waxa la xusi karaa inay gaf iyo deelqaaf ku tahay haybada M/Geele iyo xukuumadiisa oo garawsan aqoon badana u leh ixtiraamka dalalka dariska la ah Djibouti, cadeeyayna in xukuumadiisu ay gacan bir ah ku qabanayso kooxaha ku soo dhuumaalaysanaya Djibouti ee Cali Araye hogaaminayo ee rabshada iyo qaska ka wada dalalka Jaarka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: