Gudoomiyaha Golaha degaanka Saylac Xuseen iidle oo sirasmi ah maanta u bilaabay hawmaalmeedkii xafiiska

game overSaylac(lughaya) wararka ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya magaalada Saylac ayaa sheegaya in maayir Cusub ee degmada Saylac uu si rasmiya ugu shaqo tagay xafiiskii dowlada hoose ee degmadaasi tani iyo markii la doortay
furitaanka xafiiska dowlada hoose ee Degmada Saylac ayaa ka dambaysay ka dib markii ay weftigii wasiiradu ku soo hungoobeey safarkoodii ay ku tageen dalka Jabuuti taasi oo sobabtay in wasiirka arimaha gudaha somaliland kulan la yeesho gudoomiyaha cusub ee degmada saylac mudane Xuseen Iidle Barkhadle isla markaasina ku wargaliyo in uu si rasmiga u bilaabo shaqadiisii maayirnimo waxaa kale oo wasiirku kulan la sheegay saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Saylac waxaanu u sheegay in ay iyagu ka masuul yihiin nabad galyada magaalada isla markaasina ay maamulka degmada saylac ee cusub ka amar qaataan .
dhinaca kale wasiirku waxa uu sidoo kale kulan la yeeshay xildhibaada golaha deegaanka oo isku dhafan waxaanu u sheegay in ay shaqdooda qabsadaan oo ay bilaabaan isaga oo digniin adagna u diray xildhibaanada rabshada waday kuna amray in ay shaqadooda gartaan hadii ay u hogaansami wayaana sharciga dalka ay xasaanada xildhibaano laga xayuubin doono .
amarkani deg dega ah ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay weftiga wasiiradu safarkoodii uu sharaf dhac ku noqday maamulka somaliland iyo ka shakhsiyeedba isla markaasina ay dowlada jabuuti iska fogeysay dhex galinda arinta saylac .
isku soo wada duuboo maayirka cusub ee degmada Saylac ayaa saaka u shaqo tagay xafiiskiisa dowlada hoose ee degmadaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: