Jaamacada Eelo oo u qabatay Aqoon korodhsi Gudida horumarinta Gobolka Awdal

Xarunta wasaarada Qorshaynta ee gobolka Awdal ayaa maata lagu qabtay  kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin heer qaran iyo gobol .

Ujeedada shirkan ayaa ahaa sidii loo soo bandhigi lahaa ama loogu gorfayn lahaa qorshayaasha horumarineed ee sexdebiloodka ah

eelo1.11Waxana  uu socon doonaa mudo sedex cisho ah waxana  uu qayb ka yahay kulamo kale oo dalka oo dhan ka dhici doona oo ay fulin doonaan masuuliyiinta J/Eelo, -Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Mud. Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa maanta furay Kulan dhinaca hormarinta ah oo ay ka qayb qaadanayeen laamaha kala duwan ee dawlada ee heer gobol iyo degmo, madaxda jaamacadaha Camuud iyo Eeelo, masuuliyiin ka socotay NGO-yada wadaniga ah, maayarka M/Baki iyo ganacsato oo intuba ku bohoobay gudida horumarinta G/Awdal.

Maayarka Boorama Mud. Saleebaan Xasan Xadi ayaa soo dhoweyay ka soo qayb galayaasha kulankan dhinaca hormarinta ah.

Badhasaabka G/Awdal Axmed Xadi Sidci oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in gudidan looga baahan yahay inay si wanaagsan isku barato, samaysato laamahii fulinta ee gudida horumarinta, una dhaqaaqdo dhinaca hormarinta guud ee G/Awdal.

Agaasimaha Guud ee W/Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Mud. Cabdirashiid Axmed Guuleed oo kulankan soo xidhay ayaa yidhi “ Kulanku waa inoo firan yahay, waxa aan wada joogi doonaa 3 maalmood, waxa aan fulayaa in gudidan ay u gogol xaadho wax walba oo midho dhal ah oo dhinaca hormarinta ah, waxa aan filayaa inay og yihiin tartanka guud ee dhinaca hormarka ah ee ka socda dalka, way idiin furan tahay waxwalba oo aad qabsanaysaan oo dhinacyada hormarka ah, guul ayaanan idiin rajaynayaa”.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: