Jaamacada Eelo oo soo Gabagabaysey Aqoon korodhsi u socday Gudida horumarinta Gobolka Awdal

eeloLogoBorama Lughayanews – Waxa maanta si rasmi ah loogu soo afmeeray xarunta wasaarada Qorshaynta ee gobolka Awdal aqoon korodhsi mudo sedex cisho ah uga socday masuuliyiinta kalagadisan ee ku bahoobay gudida horumarinta gobolka Awdal kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen isuduwayaasha wasaaradaha , maamulada heergobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal .
Ujeedka tababarkan ayaa waxa uu ahaa sidii loo dajinlahaa qorshayaasha shanta sano ee hayadaha dawliga sida wasaaradaha iyo dawladaha hoose .
Tababarkan oo dhamaan lixda gobol ee Somaliland ka qabsoomi doona  waxa fulinaya JaamacadaEelo  waxa maalgalinaya hayada IOM. iyada oo mudadii uu socday tababarku ayaa professor Khadar Cabdi Khayre waxa uu si hagarla aanah ugu daadihinayey saacado xidhiidh ah casharo laxidhiidha habka maaraynta dajinta qorshaha, iskuxidhka iyo habaynta hawlmaalmeedkyada wasaaradaha halkaasi ka qaybgalayaashu ay si mug leh uga faaiidaysteen macluumaadkii labaray mudadaasi.
iskuduwaha wasaarda shaqada iyo arimaha Bulshada , oo ku hadlayey magaca ka qaybgalayaasha ayaa aad uga mahad celiyey sida wacan ee ay ugu daadihinayeen tababarayaasha Jaamacada Eelo mudadii uu socday aqoon korodhsigu.
Waxa kale oo munaa sibadaasi kahadlay maayerka Degmada lughaya cabdilaahi Cali Awnuur oo isagu ka xogwaramay xaalada guud ee degmada iyo horumarkeeda
Gabagabadii iyo gunaanadkii Xafladan ayaa waxa hadalkooban halkaasi kajeediyey gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal. Sudane Cabdi Nour Sugaal, waxaanu ugu baaqay kaqabgalayaashu in ay aqoontii ay ka faa iidaysteen ay ku dabaqaan shaqooyinkooda si bulshad ay u adeegayaan u hesho adeegyo tayo leh oo ay ka helaan dawlada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: