MAAYERKA UGU DADAYARLEH EE DEGMADA LUGHAYA OO KA DAYRIYEY XAALADA NOLOSHA EE DADAKA REER LUGHAYA

lughaya2

Maayarka-Lughaya-Mud.-Dixood

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Boorama(lughayanews)- gudoomiyaha golaha deegaanka Lughaya  mudane Cabdilaahi Cali Awnuuroo socdaalkii ugu horeeyey ku yimid magaalada Boorama taniyo intii loo doortay xilka maayernimo ee degmada lughaya  ayaa shirjaraaid oo dhinacyo badan taabanaya ku qabtay magaalada Borama .

Ugu horayntii waxa uu ka dayriyay xaalka dad badan oo barakacayaal ah oo degaankaasi ku sugan oo mudo aanan helin wax gargaar ah balse raabab ay u da’een waxana uu yidhi “ Waxa da’ay roob degmada ah tigaadna way soo baxday balse wali dadkii waa sidiisii waxa u sii dheer in la iloobay oo la leeyahay waa barwaaqo Lughaya oo roob ayaa u da’ay, raabka da’ay tigaada uu soo saaray dadku ma cunayaan, mana haystaan xoolo u cuna oo sidoodii ayay bacadka u dagan yihiin una bara kacsan yihiin”.

Arinta dadkan barakacsan xanuun ayay nagu haysaa oo waxaan leenahay anaga oo baaq ka dirayna hayadaha caalamiga ah, xukuumada iyo qurbajoguba dadkaasi ha soo taageeraan oo yaan laga hadhin ilaa dib u dajin loo samaynayo, fariintana bahda saxaafada ee ay ka mid tahay geestiir.com si wanaagsan ha u baahiso.

Maayar Dixood waxa uu xidhiidh ka dhaxaysiiyay nabadgalyada iyo ciidanka ku sugan degamda waxana uu yidhi “ Degmada amaankeedu waa 100% inkasta oo aanan la odhanayn ciidan ayaa sugay oo ciidanka ku sugan Lughaya ay aad u yar yihiin waxa nabada ka shaqeeyay dadka waanay sugan tahay waxana loo baahan yahay in ciidanka loo soo kordhiyo degmaa.

Maayar Dixood Dhinaca waxbarashada ayuu ka hadlay waxana uu yidhi “ Degamadu waa 25 goobood 7 ka mid ayaanay dugsiye hoose ka furan yihiin degaanadaasi kale oo dhani waxbarasho ma helaan, dugsigii sare ee Lughaya ma shaqeeyo, macalimiintu wayn nagu yar yihiin waxaanay u baahan yihiin in la soo kordhiyo mushaharooyinkana loo kordhiyo.

Xaalada Caafimaadka waxa uu ku tilmaamaymaayar Dixood mid aan ku filnayn degmada aadna uga sii daraysa una baahan wax ka qabad degdeg ah waxana uu yidhi “ Waxa ka jira degmada 4 MCH iyo dhawr health Post oo aan dadka ku filnayn, gaadhi caafimaad ma jiro, dhakhaatiirna kuma sugana degmada xaalka sidan ah waa mid aad u daran oo umusha dhalaanka iyo cidwalba oo xanuunsataba u cadaw ah waxana loo baahan yahay in adeegyada caafimaadka la soo kordhiyo”.

Dhinaca Cashuuraha iyo dakhliga mar uu ka hadlayay Maayar Dixood ayaa waxa uu yidhi “ Dakhliga degmadu waxa uu ka soo gali jiray labo meelood oo kala ah xoolaha ilaa maantana abaarihii kama soo kaban xoolahu oo waa gabaabsi canshuutaasi, isha kale ee dakhligu waxay ahayd shidaalka ka soo daga Badda, taasina maanta cashuuro xoogan oo W/Maaliyadu ku soo rogtay ayaa curyaamisay, waxaanan arintan kala hadli doonaa W/Maaliyada.

Maayar Dixood waxa uu ugu dambayntii ugu baaqay Qurbooga iyo daneeyayaasha kale ee D/Lughaya inay soo maalgashadaan degmada isaga oo xusay in ay gacmo furan ku soo dhawayn doonaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: