Muxuu Tari karaa xidhiidhka iskaashi ee AWDAL IYO GABILAY iyada oo Arinta Saameel wali cakirantahay ( DIIRADA LUGHAY)

ggaBorama (Lughayanews)Maanta waxa magaalada Borama soo gaadhay maamulka Gabilay ee Cusub kuwaasi oo markii ugu horaysan yimaada magaalada Borama taniyo intii ka danbaysay dagaalkii Seemaal ee u dhaxeeyey laba beelood oo hayb ahaan ka soo kalajeeda deegaanada Dila iyo Gabilay dagaalkaa oo dhaliyey in dad farbadani ay ku dhintaan ilaa iyo hadana aanan la soo afjarin
munaasibad qado sharaf ah oo ay martida gabilay u fidisay Jaamacada Camuud Waxaana ka soo qeyb galay badhasaabka Awdal, BadhasaabKu Xigeenka Gebilay, Maayarrada degmooyinka Boorama iyo Gabilay oo ay weheliyaan xoghayayaasha fulinta ee labadaasi degmo iyo waxgarad kale.

dhamaan masuuliyiintii labada dhinac ee ka qayb galay xafladaasi ayaana haba yaraatee soo hadalqaadin dhibaatooyinkii ka dhashay dagaaladii Seemaal taasi oo ay ugu danbaysay Sedex nin oo hurda oo lagu dilay deegaankaasi ilaahadana gacan kudhiig layaashii talaabo laga qaadin

Waxayna ay xafladanu u e kayd uu mid aan dhaaf siisnayn isbarasho hadalada laga soo jeediyey waxay ahaa yeen kuwo aanan waxba ka taraynin boogaha dahsoonaa ee arintii seemaal waxana la iswaydiinayaa muxuu soo kordhinayaa xidhiidhkan cusub iyada oo aan ahmiyad balaadhan lasiinaynin xaalada nabadgalyo ee deegaanadaasi taasi oo ka dhigan in boog qarsoon dushalaga dhayayo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: