Madax waynaha Somalilad ayaa derejada sarkaalnimada oo kala heer ah ugu xidhay 12 sarkaal oo ka kala tirsan Afarta nooc ee ciidamada ee kala ah Ciidanka qaranka , Ciidanka Booliska Somaliland, Ciidanka asluubta iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha.

IMG_0053-150x150Hargeysa (Lughaynews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay xuska sanadguurada 19-aad ee aasaaska Ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 2-da bishan febaury.
IMG_0114-150x150Munaasabadda Xuskaasi oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay sadexda Gole Qaran, taliyayaasha Ciidamadda Somaliland, saraakiisha sarsare ee Ciidamada , mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.Madaxweynaha Somaliland ayaa munaasabadas gudaheeda waxuu markii ugu horaysay tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii uu halkaa derejada sarkaalnimada oo kala heer ah ugu xidhay 12 sarkaal oo ka kala tirsan Afarta nooc ee ciidamada ee kala ah Ciidanka qaranka , Ciidanka Booliska Somaliland, Ciidanka asluubta iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha.

IMG_0178-150x150
1)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa laga dhigay Derejada sareeye Gaas.
2)- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa laga dhigay derejada sareeye Guuto.
3)- Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen Xiirane ayaa laga dhigay Derejada Sareeye Guuto.
4)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan xasan ayaa laga dhigay Derejada Sareeye guuto.
5)-Abaanduulayaasha koowaad iyo labaad ee Ciidanka qaranka iyo taliyeyaal ku xigeenadda koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.
6)- Taliyayaal ku xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka asluubta somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Gaashaanle sare.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: