KOOXAHA KASOO HORJEEDA MAAMULKA ISMACIIL CUMAR GEELE OO XUDUUDA LAWYACADO EE DHANKA DJABOUTI KUFSI UGU GAYSTAY GABDHO SOMALEED OO U TAHRIIBAYEY DJABOUTI

mabLawyacado(lughaya.com)Maleeshiyo Beesha Ciise ka soo jeeda kana tirsan kooxaha mucaaridka ku ah Djabouti ee uu maalgaliyo ganacsadaha Boore ayaa waxa ay mudooyinkan danbe fadhiisimo ka samaysteen xadka dawlada Djabouti ee lawyacado iyaga oo dhibaatooyin kuhayey ciidamada Ismaaciil Cumar Geele ayaa subaxnimadii hore ee saaka abaaro 5tii subaxnimo ku kufsaday Sadex Gabdhood oo yar yar oo ka soo jeeda koonfurta Somaliya oo Tahriib doonayay inay kaga gudbaan xuduuda Somaliland iyo Jabuuti.

Maleeshiyada ayaa sadexdaas Gabdhood oo qaarkood aan Qaan-gaadh ahayn xiligii ay Kufsiga ku wadeen gaadhsiiyay Nabaro iyo dhaawacyo khatar ah oo ay la il-daran yihiin, waxana gabdhahan yaryar lagu dawaynayaa xarun caafimaad oo ku taala Lawyacado.
Gabdhaha ay Maleeshiyaddu Kufsatay oo aan ilaa hada la haynin magacyadooda Saxda ah ayuu Wariyuhu sheegay inay ka yimaadeen Koonfurta Somaliya isla markaana ay doonayeen inay u tahriibaan dhinaca Jabuuti si ay nolol uga raadsadaan.
Maleeshiyadda Kufsatay gabdhahaas ayaa ku sugan degaanka loo yaqaan Qilaan-qilay ee xadka dhinaca Djibouti ah xigta, waxana uu yahay joogitaankoodu mid ay ka war hayaan labada dawladood isla markaana aanan waxba laga qaban.
Si kasta ha ahaatee xukuumadda Somaliland waxa looga baahan yahay inay si dhakhso ah ugu gurmato Gabdhahaas Soomaaliyeed ee ay Maleeshiyadaasi Kufsatay isla markaana waa inay talaabo ka qaado kooxdaas inta aanay ku talaabsan falal kale oo Amniga Dalka khatar galiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: