Xuska Maalinta Xasuuqa SNM ay ka Gaysatay Borama iyo Dilla ee La Gumaaday Shacab Aan Hubaysnayn Inta Xabashi Lasoo Kaxaystay

snmMassacreSomalilandBORAMA- Xuska maalinta ururkii gacanku dhiiglayaasha ee SNM ay ku xasuuqday shacabka Awdal bishii labaad ee sanadkii 1991 ay taariikhdu ahayd 4 ayaa la filayaa inuu ka hirgalo dalka iyo dibadiisa. Iyadoo mudaharaadyo,warbixino iyo waraaqo iyo magaacda kuwa sheegta inay ka mid ahaayeen in loo gudbiyo beesha caalamka lagu balansan yahay inay ka qabsoomaan guud dalalka dibeda. Iyadoo sidoo kale dalka gudihiisa laga qaban doono lagu canbaaraynayo kuwii gaystay falka waxashnimo ee shacab caruur iyo dumar u badan oo aan hubaysnay lagu gumaaday guryahooda iyadoo loosoo kaxaystay ciidamo shisheeye.

Kacdoonkan reer Awdal, Selel, iyo Gebilay ayaa kusoo beegmay wakhti caalamku indho gooniya ku hayo maamulka Somaliland oo looga shikisan yahay meel argagixisadu ka dagaal gasho oo cadaalad darada iyo dilka shacabka aan waxba galabsan lagu caano maalo.

Shaqsiyaadka sida badheedhka ah ugu faana dilkii shacabka waxa ka mid ah Muuse Biixi, Nuux Taani, Xassan Ciise oo dhamaantood magaacdooda iyo danbiyada loo haysto loo gudbin doono maxkamada caalamka.

Cabdi Haybe

Borama, Somalia

Leave a comment