Public Demand: Dib u Xusid Waraysigii Afhayeenka Jaaliyada Haweenka London, UK – Nadira Dahir Gadiid (Walawayn)

Advertisements

The Saylac issue is further more than wanting mayor and complaining election-related.‏

kawraxThis case election-related it been ended be4 3 months ago who were been complained or who were been achieved their goals it’s over, all of the 23 regions in the country the candidate been succeeded and he got the majority had take the mayor. if there is complaining it’s only between candidates is not between clans and waiver or concession tribe for other one about result of elections. Continue reading

Muxuu Tari karaa xidhiidhka iskaashi ee AWDAL IYO GABILAY iyada oo Arinta Saameel wali cakirantahay ( DIIRADA LUGHAY)

ggaBorama (Lughayanews)Maanta waxa magaalada Borama soo gaadhay maamulka Gabilay ee Cusub kuwaasi oo markii ugu horaysan yimaada magaalada Borama taniyo intii ka danbaysay dagaalkii Seemaal ee u dhaxeeyey laba beelood oo hayb ahaan ka soo kalajeeda deegaanada Dila iyo Gabilay dagaalkaa oo dhaliyey in dad farbadani ay ku dhintaan ilaa iyo hadana aanan la soo afjarin
munaasibad qado sharaf ah oo ay martida gabilay u fidisay Jaamacada Camuud Waxaana ka soo qeyb galay badhasaabka Awdal, BadhasaabKu Xigeenka Gebilay, Maayarrada degmooyinka Boorama iyo Gabilay oo ay weheliyaan xoghayayaasha fulinta ee labadaasi degmo iyo waxgarad kale. Continue reading

Jaamacada Eelo oo soo Gabagabaysey Aqoon korodhsi u socday Gudida horumarinta Gobolka Awdal

eeloLogoBorama Lughayanews – Waxa maanta si rasmi ah loogu soo afmeeray xarunta wasaarada Qorshaynta ee gobolka Awdal aqoon korodhsi mudo sedex cisho ah uga socday masuuliyiinta kalagadisan ee ku bahoobay gudida horumarinta gobolka Awdal kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen isuduwayaasha wasaaradaha , maamulada heergobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal .
Ujeedka tababarkan ayaa waxa uu ahaa sidii loo dajinlahaa qorshayaasha shanta sano ee hayadaha dawliga sida wasaaradaha iyo dawladaha hoose .
Tababarkan oo dhamaan lixda gobol ee Somaliland ka qabsoomi doona  waxa fulinaya JaamacadaEelo  waxa maalgalinaya hayada IOM. iyada oo mudadii uu socday tababarku ayaa professor Khadar Cabdi Khayre waxa uu si hagarla aanah ugu daadihinayey saacado xidhiidh ah casharo laxidhiidha habka maaraynta dajinta qorshaha, iskuxidhka iyo habaynta hawlmaalmeedkyada wasaaradaha halkaasi ka qaybgalayaashu ay si mug leh uga faaiidaysteen macluumaadkii labaray mudadaasi.
iskuduwaha wasaarda shaqada iyo arimaha Bulshada , oo ku hadlayey magaca ka qaybgalayaasha ayaa aad uga mahad celiyey sida wacan ee ay ugu daadihinayeen tababarayaasha Jaamacada Eelo mudadii uu socday aqoon korodhsigu.
Waxa kale oo munaa sibadaasi kahadlay maayerka Degmada lughaya cabdilaahi Cali Awnuur oo isagu ka xogwaramay xaalada guud ee degmada iyo horumarkeeda
Gabagabadii iyo gunaanadkii Xafladan ayaa waxa hadalkooban halkaasi kajeediyey gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal. Sudane Cabdi Nour Sugaal, waxaanu ugu baaqay kaqabgalayaashu in ay aqoontii ay ka faa iidaysteen ay ku dabaqaan shaqooyinkooda si bulshad ay u adeegayaan u hesho adeegyo tayo leh oo ay ka helaan dawlada.

MAAYERKA UGU DADAYARLEH EE DEGMADA LUGHAYA OO KA DAYRIYEY XAALADA NOLOSHA EE DADAKA REER LUGHAYA

lughaya2

Maayarka-Lughaya-Mud.-Dixood

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Boorama(lughayanews)- gudoomiyaha golaha deegaanka Lughaya  mudane Cabdilaahi Cali Awnuuroo socdaalkii ugu horeeyey ku yimid magaalada Boorama taniyo intii loo doortay xilka maayernimo ee degmada lughaya  ayaa shirjaraaid oo dhinacyo badan taabanaya ku qabtay magaalada Borama . Continue reading

SANAD GUURADII 29 AAD EE KA SOO WAREEGTAY MARKII DIYAARADAHA AMXAARKU AY DUQAYN KA GAYSTEEB BORAMA

timthumbBoorama(Lughayanews) maanta oo bishu tahay 30 janaayo waxay ku beegan tahay 29 guuradii ka soo wareegtay duqeyntii diyaaradaha itoobiya ee Boorama 30 janaayo 1984 kuwaasi oo ay ku nafwaayeen dad tiradoodu gaadhayso 70 qof oo ay 37 ka mid ahay arday . ilaa imika ma jiro wax xus loogu baroordiiqayo oo loo sameeyey .

Magacda ubaxii ama shuhaddadii ku nafwaayey xasuuqii foosha xumaa ee xabashida. source by somalitalk .

N° Magac (Names) Da’ (age) Fasal (Grade)
1 Ilyaas Ibraahim Maydhane 12 4
2 Ismaaciil Muuse Tubeec 13 4
3 Abadir X/ibrahim Xaaji 11 4
4 Axmed Idiris Ibraahim 12 4
5 Axmed Ibraahim X/ bookh 12 4
6 Ubax Cumar Maydhane 10 3
7 Anisa daahir Caateeye 10 3
8 Maxamuud Maxamed Daahir 10 3
9 Yaassiin Daahir Ibraahim 10 3
10 Abdi Hassan Cali 9 3
11 Abdi Ahmed Yuusuf 10 4
12 Husseen Maxamed Nuur 12 3
13 Sacaada Cabdulle Faarah 10 3
14 Maxamed Xasan Faarah 9 3
15 Nimca Maxamed Xirsi 10 3
16 Raashid Huseen Cige 10 3
17 Cabdi Ismaaciil Xasan 11 3
18 Maxamed Aw/ Aadan Cabdi 8 2
19 Khadra Maxamed Xirsi 9 2
20 Maxamed Idiris Miicaad 8 2
21 A/risaaq SH/maxamed 10 2
22 Sahra Aaden 6 1
23 Faadumo orod ku dharag 6 1
24 Fa’isa H/Ibraahim Muusae 12 4
25 Ruqiya Maydhane Muxumed 10 2
26 Hibo Axmed Ali yey 11 4
27 Maxamed Xasan Xandulle 13 4
28 Hinda Axmed Cilmi 10 3
29 Hibo Barkhad Qayaad 9 3
30 Qayaad Barkhad Qayaad 11 4
31 Deeqa Yuusuf Cige 10 3
32 mustafe Cilmi Weyrax 9 2
33 C/laahi Nuur Cumar 14 8
34 Axmed Cabdi Barre 11 3
35 Kaltuun Abubakar Sheekh 10 4
36 Warla Cilmi Subagle 9 3
37 Sucaad Cali Obsiiye 14 7

MAXAY KABADALI KARAAN DIBADBAXYADA AY XUKUUMADA SILANYO ABAABULAYAAN SIYAASADA ARIMAHA DIBADA EE UK ?(DIIRADA LUGHAYA)

IMG_00101-300x200Hargeysa (Lughayanews)-Sida laga warqabowaxa maalmahani socday dibadbaxyo ay abaabulayaan maamulka madaxweyne silaanyo kuwaasi oo lagaga soo horjeedo amnidaradii ay ku sheegeen Somaliland dawlada ingriisku taasoo maanta keentay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo shirgudoonka labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa saaka socod ku maray jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ay dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo banaan-bax balaadhan ka dhigeen oo ay oo ay kaga soo horjeedaan qaraarkii dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka soo baxaan Somaliland sababo amniga la xidhiidha.Madaxweynuhu waxa uu socod ku maray xarunta Golaha illaa agagaarka xarunta Ha’yadda shaqaalaha, ka dib markii uu dhameeyay khudbadii uu u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Guurtidda iyo Wakiiladda.

Hadaba su aasha iswaydiinta lihi waxay tahay maxay ka badali karaan dibadbaxyada noocan ahi ee ay qaban qaabinayaan xukuumada silanyo siyaasada arimaha dibada ee dalaka reer galbeedka sida UK & USA oo labaduba muujiyey sida aanay ugu qanacsanayn siyaasada maamulka silanyo iyada oo hore loo ogaa xukuumadii Madaxweyne dahir rayale kahin heerka uu joogay xidhiidhka siyaasadeed ee dawladahaas iyo somaliland kaasi oo gaadhay heer khudbado uu ka hor jeediyo Madaxweyne Dahir Rayale kahin Barlamanka dawlada Britain halka maanta ay Silanyo wakhtigiisa  markankiina aqoonsi buuxa siiyey Somaliya  Britana go aansatay in ay cilaaqaadkii ujaraan Somaliland isla markaana dadkoodii  uga digeen in ay tegaan Somaliland taasi oo ah heerkii ugu hooseeyey