Axmed Silaanyo oo laba Wasiir ku xigeen oo cusub degreeto ku magacaabay

Hargeysa (Lughaya.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay laba Wasiir Ku xigeen oo cusub, kuwaasi oo hore u kala ahaan jiray badhasaabaddii hore ee goboladda Sanaag iyo Salel.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul. Waxaanay u dhignayd sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku magacaabay laba wasiir ku xigeen kuwaas oo uu u magacaabay wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.Madaxweynuhu:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Aden Diriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Leave a comment