Gudoomiyaha gobolka Awdal oo ugu baaqay reer Borama in ay kala qayb qaataan dibad baxyada walaalahooda kale ee reer somaliland

Boorama (Lughaya) Badhasayaaaabka gobolka gobolka Awdal Mud, Axmed Xadi Sidci kahadlay xaalada guud ee dalka isaga oo taageero xoogan siiyey khudbad Sanadeedkii madaxwaynaha somalilad uu u jeediyey labada gole dhawaan .
Isaga oo kaga xog waramay arimo dhowr ah kuwaasi oo ay ka midyihiin nabadgalyada dalka heerka ay marayso iyo hawlaha hor yaala qaranka guud ahaan waxaanu ugu baaqay Dawlada Bretain ama UK in ay ka noqoto go aamadii ay ku gaadhay hawlaheedii ay ka waday Somaliland in ay Joojisay.
waxaanu ugu baaqay dhamaan dadwaynaha reer Borama in ay ka qayb qaataan banaanbaxyada heerka amaanka dalka lagagana soo horjeedo laga wado dalka oodhan ee la xiriirta xidhiidhka dubla maasi ee UK iyo Somaliland. DAAWO VIDIGAASI

One Response

  1. waar nacasyahow fulaygii iska aamus adigu waxaad ku hadashaaba kuuma banaanee, waxaad ka masuul ahayd umad la dulmiyey, dhalinyar la laayey iyagoon cidna wax u dhimin fikirkooda iyo aayahooda ka hadlayey. ayaad ka dhuumatay ood waxba ka odhan qadiyadii Saylac waabad iska indho tirtay markaasaad maanta nacamleyn iyo nacnac shaashada u soo fadhiisatay adiga oo danahaaga kuu gaarka ah ka hadlaya kana baqaya in aad Ingiriiska ku noqoto oo jagadan yey aad lumiso waar adiga iyo siiraanyaba iyo wasiiradiisuba ku noqda Ingiriiska ama dhiiba Baasaboorada, Waar maanta reer Awdal uma baahna Awrkiraale iyo Tellefoon xaqa quruush

Leave a comment